Sign in to follow this  
Deeq A.

Millatariga Israa’iil Oo Dhalinyaro Falastiiniyiin Ah Ku Dilay Magaalada Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Gaza)-Ciidanka Israa’iil ayaa toogasho ku dilay sadax ruux oo falastiini ah kadib markii ay ku dhowaadeen xeyndaabka Israa’iil ay ku ooday magaalada Gaza.

20200123_094557.jpg


Qoraal ka soo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in sadaxda ruux ay wateen walxaha qarxa kuwaasi oo isku dayay habeenimadii xalay in weeraro ay ka gaystaan gudaha Israel.


Dhanka kale muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu muujiyay saxafi u dhashay falastiin oo ciidanka Israa’iil ay dhaawaceen xilli uu tabinayay Tacadigaan.


Warbaahinta maxaliga ah ee Falastiin ayaa ku sheegtay magacyada dhalinyarada la dilay Maxamed Hani Abuu Mandiil Saalim Zuweyd Naciimi iyo Maxamuud Khaalid Saciid oo dhamaantood ahaa da’da 18 Jirka.


Dhalinyaradan ayaa deganaa xaafada Maghazi ee badhtamaha magaalada Gaza iyadoo booliska falastiin ay meesha ka saareen wax hub ah oo dhalinyaradan Wateen.


Falkaan ayaa ilaa iyo hada waxaa ka hadlin dhaqdhaqaaqa ururka Xamaas ee maamula magaalada Gaza

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this