Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeneydii Ugu Horeysay Oo Loo Doortay Xilka Madaxtinimada Ee Dalka Gariiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Giriiga)-Mid ka mid ah garsoorayaasha ugu weeweyn ee dalka Gariiga ayaa loo doortay haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Dalkaasi.

20200123_095119.jpg


Ms Ekaterini Sakellaropoulou ayaa arbacadii shalay waxay taageero ka heshay xisbiga haya talada ee conservative iyadoo ay aqbaleen mudanayaasha baarlamaanka Gariiga.


Tani ayaa qeyb ka ah dadaalada lagu mideynayo xisbiyada siyaasada si meesha lagaga saaro burburka dhaqaale uu dalkaasi wajahayay 15-kii sano ee la soo Dhaafay.


Haweeneydaan oo 63 jir ah ayaa aqoon balaadhan u leh cilmiga deegaanka iyo Garsoorka waxaana ay shaqada kala wareegi doontaa madaxweyne Prokopis Pavlopoulos, oo muddo xileedkiisa shanta sanno ah ay dhammaan doonto bisha sadaxaad ee Maarso.


Badhtamaha isla bishaas ayaa Ms Ekaterini Sakellaropoulou waxaa si rasmi ah loogu dhaarin doonaa xilka Madaxtinimo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this