Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda La Soo Taagayo Madaxweyne Trump Oo Ka Dhex Socota Aqalka Senate-ka Ee Mareyknaka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Maxkamadda la soo taagayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si buuxda uga dhex billaabatay Aqalka Senate-ka ee Mareyknaka maalintii Talaadada ee shalay iyadoo uu jiro loolan la xiriira xeerarka xukumaya si kiiska dacwadda horay loogu sii ambaqaado.

20200123_100112.jpg

Waa markii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee ay senetarradu u codeyn doonaan go’aan ka gaarista haddii ay tahay in madaxweynaha xilka laga qaado.

Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Kongareeska ayaa ku doodaya in markhaatiyaasha loo oggolaado inay marag furaan si ay taasi gacan uga geysato kiiskooda Trump ee ah in uu ku xadgudbay awoodda madaxweynaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this