Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad Cusub Oo Ka Dhex Qaraxday Somaliland Iyo Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii u horeysay ka hadashay xadhig Internet oo magaciisu yahay DARRE oo dowladda Jabuuti shaacisay inay soo marineyso badda Berbera.

biixi-iyo-geelle.jpg

Somaliland ayaa si cad u sheegtay in dowladda Jabuuti ayna wax xidhiidh ah kala soo sameyn arrinta Xadhigaasi Internetka ee ay ugu magac dartay DARRE, kaasi oo la marin doona magaalooyinka Berbera, Muqdisho iyo Mombasa.

Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland oo arrintaasi wax laga weydiiyay ayaa sheegay in dowladda Jabuuti aysan wax dalab ah oo ku aadan xadhigaasi u soo gudbin, isagoona xusay in ogolaansho la’aan xadhigaasi la soo marin doonin badda Berbera.

“Dowladda Jabuuti ilaa hadda nagalama soo xidhiidhin arrinta xadhiga Internetka ee Berbera, hadey dowladda jabuuti naga codsato waxa loo eegi doona xeerka, hadduu ogolaadana markaas baa la siin doona liisan ogolaanshiyo, laakiin ilaa hadda nagamay soo dalban” ayuu yidhi Wasiirku.

Xukuumada Somaliland ayaa hore u siisay heshiis ogolaanshiyo dhanka xadhkaha Internet-ka ah Shirkada Somcable, midaasi oo loo ogolaaday muddo dhan shan iyo labaatan sanno, oo u ansixiyey Baarlamaanka Somaliland.

Dawladda Jabuuti ayaa si rasmiya u shaacisay maalintii Isniintii xadhiga Internet-ka ee DARRE, kaasi oo ay Berbera qeyb ka tahay magaalooyinka la soo marinayo xadhigaasi Internet.

Markabka xadhiga Internet-ka sida ayaa la sheegaya in uu usoo jiheystay badda Berbera, isaga oo aan wax ogolaanshiyo ah ka haysan xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi, midaasi oo xiisad cusub ka dhex abuuri karta Dowladda Jabuuti iyo Somaliland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dowladda Jabuuti ay ogolaanshiyo uga soo qaadatay xadhigaasi in badda Berbera la geeyo dowladda federaalka Soomaaliya, ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this