Deeq A. Posted January 22, 2020 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Tibor P. Nagy ayaa maanta kulan ku qaatay Muqdisho Kulanka ayaa looga hadlay xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee Soomaaliya. Tibor P. Nagy ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyso dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka, waxuuna dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka. Dowladda Mareykanka ayaa qeyb ka ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah dowladda Soomaaliya ee ka caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladda iyo ammaanka. PUNTLAND POST The post Tibor P. Nagy oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Kheyre appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites