Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray fanaanka ay NISA xirtay ee sheegay inuu Shabaab yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in Abshir Gaarann Axmed oo ah fanaan ay xirtay hay’adda NISA usuan ka tirsaneyn kooxda Al-Shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay Warbaahinta Kooxdaas ayaa sheegay in shakhsiga lagu magacaabo Abshir Gaarane Axmad ee uusan wax xiriir ah haba yaraatee la lahayn kooxda Al-Shabaab.

“Ninka muuqaalkiisa lagu faafiyay warbaahinta ee lagu magacaabay Abshir Gaarane Axmad ma aha nin wax xiriir ah la lahaa Shabaab ama la shaqayn jiray, tallaabada ay qaadeen ee ay ninkaas eedaha noocaas ah ugu soo jeediyeen waa arrimo lagu yaqaanno oo iyaga dhexdooda ay dhibaato isku geystaan, qaarkoodna eedo aanan jirin ay dusha iskaga tuuraan iyagoo xilal ama dhaqaale kala riixanaya” ayuu sarkaalkaas.

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa xalay barteeda Twtter-ka ku baahisay muuqaal kooban oo muujinaya fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo qiranaya inuu ka tirsanyahay ururka Al-Shabaab.

NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo raacisay muqaalka fanaanka waxay ku tiri, “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaadabagal dheer kadib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hey’adaha garsoorka”.

Abshir Gaarane ayaa isagoo qiranaya ka mid ahaanshihiisa Al-Shabaab waxa uu yiri, “Al-Shabaab waxaan u shaqa bilaabay sanadkii 2013-kii, shaqadeydu waa fanaan, waxaan ka shaqeynayey gobolka Banaadir, qeybtiisa fanka iyo suugaanta, Al-Shabaab waxaan u qaabilsanaa macluumaadka iyo dhanka  maaliyadda, siiba dhanka maaliyadda.”

Al-Shabaab ayaan inta badan ka hadal shakhsiyaadka ka tirsan ee ay xiraan hay’adaha ammaanka Soomaaliya, waxaana sababta ay u doorteen inay beeniyaan kiiska Abshir Gaarane Axmed ay abuureyso su’aalo ku saabsan ujeedka ay ka leeyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this