Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Howlwadaag oo xariga ka jaray wado cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banadir ayaa maanta xariga ka jiray wado cusub oo ku taalla degmadaasi, taas oo dib u dhis lagu sameeyey.

Wadadaan oo dhirirkeedu yahay 700 oo Mitir ayaa isku xirta Masjidka Biimaalow iyo suuqa daawada ee Bakaaraha.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Howlwadaag, Maxamuud Cali Xasan( Dheere) oo warbaahinta la hadlay ka warbixiyey dhismaha jidkaasi.

Maxamuud Dheere ayaa sheegay in wadadaan lagu dhisay barnaamijka Isxilqaan, islamarkaana uu  umahadcelinayo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/ww.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this