Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo ka digay in la dhiso Galmudug kala dhantaalan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online ) – Siyaasiga mucaaradka ee hoggaamiyo xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada Madaxweynaha ee maamulkaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ku eedeeyey hoggaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay kala qeybinayaan maamulka Galmudug, si ay uga fushadaan danahooda gaarka ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Galmudug kaliya lagu wadi karo siyaasad loo dhan yahay oo aan cidna laga tegin.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale ku taliyey in mudnaanta la siiyo danta dadka gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Halkaan hoose ka akhriso:

Hogaanka Dawlada Federaalka waxay awoodii iyo dhaqaalihii dawladnimo horay ugu adeegsadeen in madaxweynihii Galmudug xilka laga tuuro. Uma Ayaan hirgelin, laakiin waxay ku guuleysteen in ay kala qaybiyaan hogaankii Galmudug. Markii ay majaraha u qabteen maamul samayntii Galmudug, natiijadii waxay noqotay qabiiladii iyo odayadii dhaqanka Galmuudg oo dhac iyo boob ka cabanaya , madaxweynihii xilka lagala wareegi lahaa oo Gaalkacyo maamul kale ku dhisaya, musharixiintii u tartamayey xilka madaxweynaha iyo Ahlusunna oo doorashadii qaadacay. Qaylo dhaan meel walba ah, haddaba su’aashu waxay tahay yaa loo ?

Isku day walba oo shakhsi ama koox 30 kii sano ee ugu danbaysay ay talo Soomaaliyeed ku boobeen, Galmudugna kuma sii jirto e, waxay ku soo idlaatay caaqibo la’aan. Waa waali siyaasadeed haddii mar walba lagu celceliyo hal ficil oo isku mid ah, lana filasho natiijo ka duwan kuwii hore.

Waxaan ka digaynaa talo xumo iyo tijaabooyinka horay loogu tacab beelay. Waxaan kula talinaynaa kuwa u durbaan tumaya talo hal dhinac ka raran iyo kuwa ka dhowranaya Galmudug kursi federaal oo keli ah, in ay fogaan arag yeeshaan, oo ay danta dadka iyo deegaanka xeeriyaan, waxna ku qaataan waayaha na soo maray, gaar ahaan kuwa ku soo gubtay xukunka Galmudug kala dhantaalan.

Galmudug waxaa lagu wedi karaa oo keli ah siyaasad loo dhanyahay oo aan cidna laga tegin, laga tashan, la tuurin, laga takhalusin. Siyaasad aan ku meel gaarid ahayn ee mudnaanta la siinayo danta dadka iyo deegaanka Galmudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this