Sign in to follow this  
Deeq A.

Indha Cade Oo shaaciyey inay korortay ku milanka Al-Shabaab Ee hay’adaha dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) Genaraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii KMG ee dalka soo maray ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha ammaanka ee magaalada Muqdisho.

Indha Cadde oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa ugu horreyn sheegay inay Al-Shabaab si aad ugu dhex milmeen hay’adaha dowladda, wuxuuna tilmaamay inay lama filaan ku noqotay in la helo Fanaan Al-Shabaab ah oo la shaqeeyo gobolka Banaadir.

Genaraalka ayaa hoosta ka xariiqay in xubnaha Al-Shabaab ay ku dhex jiraan meel walbo oo dowladda ka mid ah, islamarkaana ay u shaqeeyaan habab kala duwan.

“Waa korortay ku milanka Al-Shabaab ee hay’adaha dowladda, nimankaan diin ayay ku bilwdeen oo ay ka been sheegayeen, maantana waxay isu bedeleen niman Maafiyo ah sida maafiyadii Talyaaniga oo kale, maafiyada marka ay awood beeshay waxay isu bedeshay koox dadka dhaca, dadka baada albaab walba ku jira, haddii ay dowlad tahay iyo rayid.” ayuu wareysigaan ku yiri Genaraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab ay ka war heyso wax kasta oo ka dhacaya madaxtooyada, gaar ahaan shirarka looga hadlayo ammaanka, wuxuuna sheegay in si toos ah loogu gudbiyo xogta, islamarkaana aysan waxba u qarsaneyn dowladda dhexe.

Indha Cadde ayaa xusay in tani ay cadeyneyso inay Al-Shabaab xubno ku leeyihiin Madaxtooyada, wasiirada, baarlamaanka, ciidanka iyo hay’adaha rayidka.

“Al-Shabaab meel walba ayay ku jiraan, Madaxtooyada ayay ka mid yihiin, Baarlamaanka ayay ka mid yihiin Golaha Wasiirada, hey’adaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida, meel aysan ka mid aheyn ma jirto.”ayuu yiri Generaal Indha Cadde.

Sababta ay Al-Shabaab ugu milmeen dowladda ayuu sidoo kale Generaalku ku sheegay  in hay’adaha amniga aanay joogin dadkii shaqadaas yaqaanay, islamarkaana ay fursadaasi ka faa’iideysteen dagaalyahannada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu kula taliyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay la yimaadaan qorshe ka duwan midka ay hadda ku howlgalaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wejiga cusub ee ay hadda la soo baxeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this