Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Liibiya Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Liibiya)-Ra’isul Wasaaraha Liibiya Fayez Al-Siraaj ayaa sheegay in uu isweydiinayo sababta Imaaraadka Carabta ay ku dooneyso in saldhig milatari ay kaga dhisto bariga Liibiya oo mucaaradka Maamulaan.

20200122_100102.jpg

Mr Siraaj ayaa wareysi uu siiyay tv-ga Al-Jaziira ee fadhigiisu yahay magaalada dooxa ayaa wuxuu ku eedeeyay xukuumada Dubai in ay taagaarto maleeshiyada Janaraal Khaliifa Xaftar.

Ra’isul Wasaaraha caalamka aqoonsan yahay ayaa dhanka kale tilmaamay sababta Imaaraadka ay xero Milatari uga dhiseyso liibiya maadaama xad ayna la Laheyn.

Xaq uma lihid inaad faragaliso dalkeena adiga oo maalgalinaya maleeshiyo diidan maleeshiyo mucaarad ku ah dowlada ayuu yiri Fayez Al-Siraaj.

Dalkan ku yaal waqooyiga Afrika oo hodan ku ah saliida ayaa dagaal sokeeye madaxa la galay tan iyo sanadkii 2011-kii kadib markii wadamada NATO ay xilka ka qaadeen madaxweynihii la dilay ee Mucammar Al-Qadaafi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this