Deeq A. Posted January 22, 2020 Qaar ka mid ah musharraxiinta maamulka Galmudug oo soo saaray Warsaxaafadeed ayaa ku dhaawaqay in ay qaadaceen doorashada madaxweynaha Galmudug, waxaana ay sheegeen in aysan ka qeyb geli doonin tartanka loogu jiro doorashadaasi. Musharraxiintaan oo kal ah: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Faarax Wehliye, Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere) iyo Kamaal Daahir Guutaale ayaa tilmaamay in aysan ku qanacsaneyn jadwalka doorashada ee shalay la soo saaray. Sidoo kale waxay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay afduubatay doorashada, sida ay hadalka u dhigeen. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article Share this post Link to post Share on other sites