Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya oo Soomaali badan ku xiray Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa gudaha u galay Kuleej ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi,waxaana halkaasi ay kala baxeen tobaneeyo ruux oo Soomaali ah oo xaruntaasi wax ka baranayey.

Xaruntan ayaa waxaa sidoo kale wax ka baranayey dad ajaaniib ah,waxaana dhammaan dadka la xiray ay ahaayeen 49 ruux oo Sooamali ah iyo qof ka soo jeeda dalka Uganda.

Booliska ayaa gabi ahaan albaabada isugu dhuftay Kuleejka, waxayna sheegeen in uusan soo marin nidaamka saxda ah ee diIwaan galinta.

Sidoo kale ciidamada Booliiska ayaa gudaha u galay Kuleejka Atlas oo isna ku yaalla xaafada Islii, walow Kuleejkaasi uu diwaan galin sax ah ka heystay dowladda dalkaasi Kenya,mana jirin dad laga soo xiray.

Inta badan dadka Soomaalida ah ee la soo xiray ayaan heysan aqoonsi sax  ah, halka  qaarna ay wateen dal ku gallo iyo Baasabooro dhacsan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this