Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar musharrax oo qaaddacay doorashada madaxtinimada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Afar musharrax oo muhiim ah, ayaa qaaddacay doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug, kadib markii ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay af-duubtay Hannaankii doorashada.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Weheliye, Kamaal Daahir Guutaale iyo Cabdi Dheere oo dhammaantood u sharraxan xilka madaxweynaha Galmudug, ayaa si wadajir ah u shaaciyay go’aankaasi.

Sidoo kale, musharrixiinta ayaa guddoonka Baarlamanka Galmudug ku eedeeyay, in uu kala qeybiyay  guddiga doorashada madaxtinimada maamulkaas, islamarkaana uu hal dhinac la saftay, sidaasi darteedna aan lagu kalsoonaan Karin doorasho hal dhinac qabteen.

Musharrixiinta ayaa guddoonka Baarlamanka Galmudug ugu baaqay in uu dib u mideeyo xubnaha guddiga doorashada madaxtinimada Galmudug, si loogu kalsoonaado shaqada guddigaasi.

Dhinaca kale, kooxda Ahlusunna ayaa shalay qaaddacay doorashada madaxweynaha Galmudug, kadib markii ay dowladda Federaalka ku eedeeyeen, in ay afduubatay hawlihii guddiga doorashada.

Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka musharrixiinta

Qaadacaad.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Afar musharrax oo qaaddacay doorashada madaxtinimada Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this