Deeq A. Posted January 21, 2020 Abshir Gaarane Axmed Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Fannaan sheegay in uu ka tirsan yahay ururka Al-shabaab. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa caawa boggeeda Twitter-ka soo dhigtay muuqaal qirasho ah iyo bayaan kooban oo lagu sheegay in lagu qabtay Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka gobalka Banaadir, una qaabilsanaa Al-shabaab xuuraanka iyo maaliyadda. “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka gobalka Banaadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Al-shabab xuuraanka iyo maaliyadda ayaa dabagal dheer kadib NISA gacanta kusoo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo hay’adaha garsoorka” ayaa lagu yiri bayaanka NISA. Abshir Gaarane ayaa muuqaalka ku qirtay inuu ururka Al-shabaab ku biiray sanadkii 2013, isla markaana uu u qaabilsanaa uruurinta macluumaadka iyo maaliyadda. “Kooxdan Al-shabaab waxaan la shaqo bilaabay 2013-kii, shaqadeeda waxaa waaye Fanaan, waxaana ka shaqeeyaa gobolka Banaadir, qaybtiisa Fanka iyo Suugaanta. Aniga waxaan u qaabilsanaa qaybta macluumaadka iyo dhanka maaliyadda.” ayuu yiri Abshir Gaarane. Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaa Dabagal dheer kadib NISA gacanta kusoo dhigtay, Iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha garsoorka. pic.twitter.com/SCmo35JY9s— NISA (@HSNQ_NISA) January 21, 2020 Abshir Gaarane ayaa wararku sheegayaan in uu horey uga tirsanaa NISA, isla markaasna uu heeso u qaaday, hadana muddo lagu waday baaritaan. PUNTLAND POST The post Fannaan Shabaab sheegtay oo la soo bandhigay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites