Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye hore oo lagu dilay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Dabley ayaa lagu waramayaa in ay magaalada Boosaaso ku dileen gudoomiyihii hore ee degmada Qandala.

Maxamed Quurshe ayaa la sheegay in lagu toogtay nawaaxiga Kaalinta Shidaalka ee lagu magacaabo Allaadi.

Ma cadda cidda ka dambeyso dilkiisa iyo sababta loo bartilmaameedsaday. Walina kama hadlin hay’addaha nabad-gelyada.

Ammaanka magaalo madaxda gobolka Bari ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aad looga dayrinaayey, wallow ay socdeen howlgalo.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan sheegta falalka noocaan ah ee ka dhaca degaanada kala duwan ee maamulka Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this