Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Kenya oo burburiyey xarun isgaarsiineed ay leedahay shirkadda Hormuud

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadaoo ay welisiisocotoburburintaCiidanka Kenya ay ku hayaan xarumaha Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka & Gedo ayay ciidamada Kenya waxay mar labaad bur buriyeen xarunku taallad ee gaankaJaldeyse oo katirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamul goboleedka Jubaland.

Ciidamada Kenya ayaa bur burinta xarumaha u adeegsaday miinooyin waaweyn, iyadoo ay bur bureen Tower-ad ii dhismihii shirkadda iyo dhammaan agabkiii sgaarsiineed oo ay ku shaqeyneysay xarunta oo ka koobnaa qalabkii isgaarsiinta, motooro iyo gawaari.

Waxaa hadda hawada kamaqan isgaarsiintii deegaan kaJaldeys, iyo Tuulooyin ka hoos yimaada iyadoo uu hakadgalay isticmaalka adeeggayada  muhimka u ah isusocodka bulshada sida igaarsiinta, EVC Plus-ka iyo kuwo kale ay dadka noloshood u ku tiirsaneyd arrintaasoo sababikarta barakac ku yimaada dadka kunool deeganadaasi.

Dadka deegaanka ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in ciidanka Kenya oo wata gawaarida dagaalka ay burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leheyd deegaankaas, iyagoo nabaaq u diray Dowladda Soomaaliya in ay arrintan wax kaqabtaan.

Ciidanka Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin sharci darro ah ku hayey Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud sida: Jaldeys, Cali Buley, Diif, KhadiijoXaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Jubboyinka iyo Gedo.

12 xarumood ay leedahay shirkadda Hormuud Telecom ayay horey ciidmaada Kenya u burburiyen, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ay arrintaan uga hadlayaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this