Deeq A. Posted January 21, 2020 Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la soo helay Amaal Nuur Cismaan oo muddooyinkii la soo dhaafay baadi goobayeen ciidamada ammaanka Soomaaliya. Taliye Xijaar ayaa tilmaamay in baaris dheer ka dib gacanta lagu soo dhigay Amaal, islamarkaana ay ku wareejin doonaan hooyadeed Amran Xayle. Sidoo kale taliyaha ciidanka Booliska ayaa u mahadceliyey hay’adihii kala duwanaa iyo ciidamada ammaanka ee kala qeyb qaatay howlgalkaasi. Amaal Nuur Cismaan oo maqnaanshaheeda siyaabo kala duwan looga hadleyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa dhowaan waxaa la sheegay inay ka baxsatay xarun lagu dhaqan celinayey oo ku taalla gudaha degmada Hodan ee gobolkaan Banaadir. Halkaan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cod-1-Cadaani.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites