Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo maxkamad soo taagtay shan Soomaali ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku dhawaad 5 ruux oo Soomaali ah ayaa maanta la soo taagay maxkamad ku taalla Kenya, kuwaas oo lala xiriirinayo Al-Shabaab.

Laamaha ammaanka ee dalkaas ayaa shanta ruux ee Soomaalida ah soo qabtay maalmo ka hor, waxaana lagu eedeeyay in ay wadeen indha indheyn, islamarkaana la baarayo.

Sidoo kale maxkamada la soo taagay dadkan Soomaalida ah ayaa waxay amartay in muddo sideed maalmood ah xabsiga lagu sii hayo, si loogu sameeyo baaritaan dheeri ah.

Dowlada Kenya ayaa ka feejigan weeraro uga yimaada dhinaca dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyay weeraro khasaara geystay ku qaaday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka woqooyi bari ee daklkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this