Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya oo gubay xarumo isgaarsiineed

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dalka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ay gubeen xarumo isgaarsiineed oo ku yaalla deegaano hoostaga degmada Dhoobley ee gobolkaasi.

Xarumaha la gubay oo gaarayey illaa afar, islamarkaana ay ku jireen kuwo bixiya Internet ayaa waxaa la sheegay inay qaraxyo ku burburiyeen ciidanka Kenya.

Adeegyada shirkadahaasi ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay si aad ah ugu xirnaayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Lama oga sababta ka dambeysa  burburinta ay xarumahaasi u geysteen ciidamada Kenya oo horay u gubay xarumo shirkadeed oo ku yaalla gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kale tallaabadaan ay qaadeen ciidamada dowladda Kenya ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii la soo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ka fuliyaan dalkaasi, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.

Weeraradii ugu dambeeyey ee Xarakada Al-Shabaab oo geystay khasaarooyin kala duwan ayaa waxaa ka mid ahaa kuwo lagu beegsaday xarumo ay shirkada Safaaricom oo Kenya laga leeyahay ku laheyd deegaano ku yaalla xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this