Deeq A. Posted January 21, 2020 Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari, Gaanshaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo maanta la hadlayey warbaahinta ayaa baaq u diray shacabka magaalada Boosaaso. Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka dalbaday shacabka inay kala shaqeeyaan nabad gelyada, si looga hortago falalka liddiga ku ah ammaanka. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in ka Boolis ahaan ay xoojin doonaan sugida amniga magaalada Boosaaso iyo deegaanada ku xeeran. Hadalka taliyaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ciidanka Puntland ay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay gudaha magaaladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites