Deeq A. Posted January 21, 2020 Bayaan ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu sheegay inay kordhin doonaan ciidamada ka jooga xeebaha dalal ay ku jirto Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay wasaarada difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in la kordhin doono ciidankeeda Badda ee ka howgala marin biyoodyada Cadan,Persia iyo Cumaan. Sidoo kale dowlada dalkaasi Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ciidamadaasi ay ka qeyb qaadan doonaan ilaalada Maraakiibta dalakasi ee saliida qaada, kuwaas oo u kala goosha saddexda marin biyood. Kuuriyada Koonfureed ayaa tallaabadana u sababeysay xiisada cirka isku sii shareereysa ee u dhexeysa dalalka Mareykanka iyo Iran. Ciidamada Badda ee K/Koonfureed ayaa ka howlagalayey dalalka uu maro gacan biyoodka Cadan oo Soomaaliya ay ka mid tahay tan iyo 2009, iyagoo ka hortagayey weerarada burcadbadeeda ee qafaasha Maraakiibta isticmaalada gacan biyoodkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites