Deeq A. Posted January 21, 2020 Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashada madaxtinimada maamulkaasi. Sida ku cad Shaxda jadwalka ay soo saareen guddiga, araajida iyo taariikh nololeedka musharrixiinta u tartamaya madaxtinimada Galmudug, ayaa la qaban doonaa inta u dhexaysa 22-23-ka bishan January. Khudbadaha musharrixiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, ayaa sidoo kale la dhegaysan doonaa maalmaha 26-27-ka isla January. Guddiga ayaa sheegaya, in maalmaha 28-29 isla bisha January ay ugu tala-galeen in musharrixiintu ololeeyaan, halka maalinta 30-January la qorsheeyay in ay dhacdo doorashada madaxtinimada Galmudug. Shaacinta jadwalka ayaa ku soo beegmaysa, xilli ay Ahlusunna diiddantahay habka loo qeybiyay xubnaha guddiga doorashada Galmudug iyo hannaanka dowladda Federaalka u maamulayso doorashada. Hoos ka akhriso Jadwalka PUNTLAND POST The post Jadwalka doorashada madaxtinimada Galmudug oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites