Sign in to follow this  
Deeq A.

Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo lasoo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga Doorashada Galmudug ayaa soo saaray jadwalka Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada Galmudug xilli ay Ahlu Sunna ka hor timid magacaabista Guddoomiyaha Guddiga.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay inay 22 – 23 Bishaan la qaban doono araajida iyo taariikh nololeedka Musharixiinta u tartameyso madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaciye in 26 January la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta xilka madaxweynaha halka 27 la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta madaxweyne ku xigeenada.

Ugu dambeyntii Guddiga ayaa 30 January oo ku beegan Maalin Khamiis ah u asteeyey inay dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Galmudug isla maalintaas la dhaarin doono cidda ku guuleysato.

Halkaan hoose ka akhriso jadwalka kasoo baxay Guddiga Doorashada

ead31714-2c2c-4858-b3be-345fa10fde6a.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this