Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidanka DF oo qof rayid ah ku dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Askari ka mid ah ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana la socday gaari Cabdi Bile ah oo marayey halka loo yaqaan Macalin Nuur ee agagaarka Ex-kontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa maanta toogasho ku dilay qof shacab ah, kaas oo wade ka ahaa gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan BL-ka oo halkaasi marayey.

Qof dadka deegaanka ah, islamarkaana xilliga uu dilku dhacayey goobjoog u ahaa  ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in gaariga uu la socday askariga dilka geystay  uu meesha isaga dhaqaaqay, islamarkaana aysan jirin cid wax iska weydiisay dhacdadaasi.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo gaariga iyo sidoo kale askariga ka dambeeyey dhacdadaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cod.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this