Deeq A. Posted January 21, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tiran ciidamada dowladda oo watay gaari Cabdi Bile ah ayaa goor dhow qof shacab ahaa ku dilay gudaha magaalada Muqdisho. Dilka oo loo geystay darawal kaxeynayey gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka ayaa ka dhacay agagaarka wadada Macalin Nuur oo ku dhow isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Gaariga Cabdi Bilaha oo ku socday si xawli ah ayaa la sheegay in askartii saarneyd mid ka mid ah uu rasaas ku furay gaariga BL-ka, islamarkana ay haleeshay wadaha oo isla meesha ku geeriyooday, sida ay sheegeen dadka aan la hadalnay ee goobjooga ahaa. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gaariga Cabdi Bilaha ahaa oo goobta isaga dhaqaaqay, islamarkaana Meydka marxuumka ay goobta ka qaadeen dad shacab ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi. Shalay ayey aheyd markii sidaan oo kale uu askari ka tirsan ciidamada dowladda qof shacab ah, islamarkaana ahaa dadka rara gaadiidka dadweynaha uu ku dilay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay dilkiisa ka caroodeen dad badan. Share this post Link to post Share on other sites