Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska oo soo helay gabadhii Amaal ee ka maqneyd hooyo Amran

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay gacanta ku soo dhigeen gabadhii la raadineyay ee Amaal Nuur Cusmaan oo hooyadeed Amran Xalane ay madaxda sare ee dowladda codsiga u dirtay.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Booliska ay hayaan, soona heleen Amaal Nuur Cismaan oo muddo laba bilood ah ka maqneyd qoyskeeda .

Hooyo Amran Xayle ayaa horey u sheegtay in Gabadheeda ay afduubteen Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaana kiiskeeda ay wax ka qaban weysay Xarunta dambi baarista ee CID-dA.

Hase yeeshee war lagu baahiyey Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in Amaal Nuur Cusmaan ay ka baxsatey Xarun lagu dhaqan celinaayey oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this