Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo Hubeysan Oo Askari Ka Tirsanaa Ciidanka Booliska Somaliland Ku Toogtay Dulleedka Magaalada Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Borama)-Warararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Boorama ee Gobolka xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Somaliland.

20200121_115938.jpg

Kooxo hubeysnaa Bastoolado ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in Askariga ay ku toogteen duleedka Magaalada Boorama xili uu halkaas ku sugnaa, isagoona u geeriyooday raasas lagu dhuftay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana waxaa goobta kasoo qaadeen Meydka Askariga, iyagoona geeyay Xarunta Booliska Gobolka Awdal.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kooxihii hubeysnaa ee falkaas ka dambeeyay goobta ay ka baxsadeen, waxaana intaas kadib halkaas laga sameeyay baadhitaano kooban.

Ilaa iyo hada ma jir wax war ah  oo kasoo baxay Saraakiisha Booliska Somaliland ee ku sugan Magaalada Boorama oo ay uga hadlayaan dilka ka dhacay duleedka Magaalada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this