Sign in to follow this  
Deeq A.

Injineeradii Turkiga ee ku dhaawacmay qarixii degmada Afgooye oo loo qaaday Ankara

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Ankara ee dalka Turkiga loo qaaday dhaawacyada 9 qof oo ay ku jiraan 3-dii Injineer ee Turkiga uga dhaawacmay weerarkii ismiidaamiinta ahaa ee sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Diyaarad Milatari oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa dhaawacyadaasi looga qaaday garoonka Aadan Cadde ee M/ Muqdisho.

Sidoo kale dhaawacyada la qaaday ayaa waxaa ka mid ah taliye ku xigeenka ciidanka Haramcad ee gobolka Banaadir, askar iyo dad rayid ah oo ku dhaawacmay qaraxaasi.

Dhaawacyadaan ayaan tan iyo sabtidii ku jiray isbitaalka Erdogan, Ex Digfeer oo uu shalay ku booqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

Turkiga oo si kulul uga hadlay weerarkaasi ayaa sheegay in uusan saameyn doonin howlaha uu ka wado gudaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale hadda bilowday qorshe cusub oo lagu sugayo amniga jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ay dhiseyso shirkad Turki ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa shalay la geeyey wadadaasi, kuwaas oo dhagxaan ku gooyey meesha uu ka socdo dhismaha.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah shaqaalaha iyo Injineerada Turkiga ee dhisamaha ka wada jidka Afgooye, waxaana weerarkaan ka horreeyey kii Ex-Control.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this