Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan Oo askari ka tirsanaa ciidanka Somaliland ku toogtay Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska ee maamulka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay toogasho lagu dilay, xilli uu ku sugnaa duleedka magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysan Bistoolado ay si gaadma ku dhaawaceen askarigaasi oo markii dambe geeriyooday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay askarigaasi, sidoo kalena lama garanayo heybta kooxda fulisay toogashadaasi.

Dhinaca kale saraakiisha Somaliland iyo maamulka magaalada Boorama kama hadlin dhacdadaan, basle waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska.

Ilo deegaanka ah oo aan la xariirnay ayaa sheegay in ciidamadu howlgallo lagu baadi goobayo gacan ku dhiiglayaasha ay ka bilaabeen halkaasi.

Inta badan waxaa deegaanada Somaliland ka jira jabhado hubeysan oo dagaal adag kula jira maamulkaasi, kuwaas oo weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this