Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cirro Oo Bookhasho Ugu Tagay Madaxweyne Ku xigeenkii hore Ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cisbitaalka Gargaar Ee Magaalada Hargeysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa uu xalay fiidkii bookhasho ugu tagay madaxweyne ku xigeenkii hore ee JSL Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaalad caafimaad loo dhigay cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa.

FB_IMG_1579593408401.jpg


Guddoomiyaha WADDANI waxa uu Alle uga baryay mujaahidka in Illaahay xanuunka ka dulqaado oo xanuunka xasanaad ugu bedelo caafimaad degdeg ah oo khayr lehna siiyo.


Guddoomiyaha oo xaal waraystay caafimaadka Mujaahid Xasan Ciise, islamarkaana muddo la joogay waxa kale oo warbixin ka siiyay xaalkiisa dhakhaatiirta ku hawlan dabiibka Mujaahid Xasan Ciise.


Mujaahid Xasan Ciise oo xanuun ku soo booday waxa dawayntiisa ku hawlan dhakhaatiirta waxaanu guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro bookhday markii uu ka war helay xanuunkiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this