Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaawacyada qarxii Afgooye oo loo qaaday Ankara

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarad Milatari oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qaaday 9 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii Sabtidii ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose.

Dhaawacyada la qaaday ayaa waxaa ku jira saddex ka mid ah Injineerada Turkiga ee dhismaha ka waday wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Turkiga.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dhaawacyadaan oo ay ka mid ahaayeen askar iyo dad rayid ah ku sii sagootiyey garoonka Aadan Cadde.

Turkiga ayaa horay u shaaciyey in weerarada Al-Shabaab aysan saameyn doonin howlaha kala duwan ee uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this