Deeq A. Posted January 21, 2020 Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid ku dhawaaqista jadwalka doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa. Arrintaan ayaa waxay muujineysaa in Galmudug ay lugaha la sii galeyso khilaaf hor leh, kadib markii Ahlu Sunna ay ka hortimid guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug. Ahlu Sunna ayaa ku doodeyso in guddoomiyaha guddiga doorashada uu ka yimaado dhankeeda mar haddii dowladda dhexe ay qaadatay guddoonka baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna ayaa ku goodiyey inay qaadici doonaan doorashada, haddii aan loo fulin dalabkooda. Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed oo dib u dhigay qorshaha lagu doonayo in gobollada Galgaduud iyo Mudug loo sameeyo maamul loo dhan yahay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites