Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaawacyada qarixii Afgooye oo loo qaadayo Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida aan ku heleyno wararkii ugu dambeeyay waxaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cade fadhisa diyaarad Turki u qaadeyso dhaawacyadii ka dhashay weerarkii sabtidii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo ahaa ismiidaamin ah ayaa waxaa ku dhaawacmay qiyaastii 20 qof oo isugu jiray Injineero Turki ah iyo ciidamo ilaalo u ahaa.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas oo ay sheegtay inay khasaare ku gaarsiiyey shaqaale Turki ah iyo ciidamo Soomaali ah.

Shalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale dhaawacyada Injineerada Turkiga ku booqday isbitaal Digfer ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this