Sign in to follow this  
Deeq A.

Boosaaso: Puntland oo ka warbixisay qarax ay fashilisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ay fashiliyeen qarax nooca miinada oo lagu aasay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidanka Booliska gobolka Bari iyo kuwa loo yaqaano PSF oo howlgal ka sameeyey agagaarka Masjidka Rashiid ayaa ka hortagay qaraxaasi.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Gashaanle Sare Xuseen Cali Maamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa lagu qariyey guri ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale taliyaha ayaa u mahaceliyey ciidamada fuliyey howlgalka, isagoo intaasi ku daray in miinadaan la doonayey in lagu waxyeeleeyo shacabka.

Gashaanle Sare Xuseen Cali Maamuud ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidanka amniga, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada.

Magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga ee Puntland ayaa waxaa inta badan weeraro gaadma ah iyo dilal qorsheysan ka fulisa kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba ha’ahaatee muddooyinkii dambe ciidamada Puntland ayaa kordhiyey howlgallada lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this