Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Cusub Ee ciidanka Kacaanka IRAN Oo Farriin U Diray Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Taliyaha cusub ee ciidanka kacaanka Iiraan ayaa sheegay dilkii Mareykanka u gaystay Janaraal Qaasim Suleymaani in uu ahaa fal lagu doonayay in lagu wiiqo Awooda Iiraan.

Xaflad ka dhacday shalay magaalada caasimada ah ee Tehraan ayaa Janaraal Ismaaciil Qaani wuxuu balan qaaday in Mareykanka ay ka aargudan Doonaan.

20200121_091916.jpg

Mareykanka wuxuu dilay Suleymaani ilaah ayaan ku dhaartay waan burburin doonaa Cadowgiisa inaga oo u mareyna qaab casri ah ayuu yidhi taliyaha cusub ee ciidanka kacaanka Iiraan.

Duqeyn diyaaradeed oo Mareykanka ka geestay 3-dii bishan agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad ayaa lagu khaarijiyay Mr Suleymaani.

Tani ayaa keentay cabsi xoogan oo la xidhiidha dagaal ka dhaca bariga dhexe oo u dhaxeeya Washington iyo Tehraan.

Balse xaalada ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay caadi ku soo noqotay kadib markii laba mar ciidanka kacaanka Iiraan ay weerar ku qaadeen Milatariga Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this