Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in ay fashilisay qaraxyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Laamaha ammaanka gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyey in ay ka hortageen qaraxyo lagu diyaarinayey magaalada Boosaaso.

Taliska Booliska ayaa tilmaamay in talaabadan ay ka dambeysay markii ciidamaddu fuliyeen howlgalo aad loo qorsheeyay.

Saraakiisha ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay howlgalka iyo soo saarista walxaha qarxa.

Mas’uuliyiinta ma aysan shaacin cidda ka dambeysay ee Miinooyinka ku aastey guri ay sheegeen in ay kasoo saareen.

Qaraxyada ayaa la sheegay in lagu aasey meel ku dhow Masjidka Rashiid oo kamid ah kuwa ugu caansan magaaladda dekadda leh ee Boosaaso.

Maalmihii lasoo dhaafay, hay’addaha nabad-gelyadda Puntland ayaa xoojiyey dhaqdhaqaaqyada ay ku sugayaan xasiloonida magaalooyinka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this