Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Oo Beesha Caalamka U Ballanqaaday Inuu Dhammaadka Bishan Kala Diraayo Koomiishankii Doorashooyinka Ee Lagu Muransana.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT -Hargaysa) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud Muuse Biixi Cabdi ayaa u ballanqaaday Waddamada Somaliland ka tageera Dimuquraadiyadda inuu dhammaadka bishan aynu ku jirno uu kala diri-doono Xubnihii Koomiishanka Doorashooyinka ee sida wayn Axsaabta siyaasaddu ugu muransanayd.

  • C211BEC9-2ECD-45ED-A774-D6AFD885111A-102

Warar xogogaal ah oo ay heshay Shabakadda Wararka ee Somalilandtoday ayaa xaqiijinaya in Safiirka Waddanka Ingiriiska u fadhiya Somaaliya Ambassador Ben Fender uu Madaxweynuhu ka ballanqaaday inuu kala diridoono xubnaha Koomiishanka inta ka hadhay bisha koobaad ee sannadka oo dhammaadkeedi lagu jiro. Ballanqaadka uu Madaxweynuhu u sameeyay ayay soo dhaweyeen Waddamada beesha Caalamku. Haddii uu fuliyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wacadkiisa uu Waddamada Somaliland tageera ugu ballanqaaday kala dirida Koomiishanka doorashooyinka waxay noqon doonta caqabad wayn oo Somaliland laga furdaamiyay.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this