Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqor Burhaan oo lagu soo dhaweeyay caasimadda dalka Cumaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Maantay waxaa Saldanada Cumaan gaaray Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka degay caasimadda dalkaas Masqad.

Boqorka waxaa si gaar ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha waxaan goob-joog ahaa masuuliyiin ka tirsan dalka cumaan, waxaa si gaar ah gagida diyaaradda ugu soo dhoweeyey Suldaanka Qabiilka Meheriga Suldaan Cabdullaahi Bin Ciise Aal-Cafraar, iyo qeybo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee degan dalkaas, halkaas ayaa Boqorka iyo wafdigiisa waxaa loo gudbiyey deegaankii Dawladdu u diyaarisay, lama faahfaahin ujeedada booqashada Boqorka ee dalkaas, waxaase ajandaha ka mid ah inuu saldanada uga tacsiyeyn doono Geeridii ku timid Suldaan Qaabuus bin Siciid.

Waxaa la filayaa maalmaha soo socda Boqorku inuu ku sugnaan doono Dalka Cumaan, oo masuuliyiin sare la kulmi doono, waxaa kaloo la filayaa inuu booqan doono Magaaalada Salalah ee ay ku badantahay Soomaalidu.

Waxaa xusid mudan Boqorku inuu safarkiisii ka soo kicitimay dalka Imaaraatka Carabta halkaas oo uu kula kulmay qeybo ka mid ah amiirada dalkaas.

3-15.jpg?w=1000&ssl=1 6-12.jpg?w=1000&ssl=1 5-11.jpg?w=1000&ssl=1 4-13.jpg?w=1000&ssl=1 1-28.jpg?w=1000&ssl=1 2-19.jpg?w=1000&ssl=1 7-11.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Boqor Burhaan oo lagu soo dhaweeyay caasimadda dalka Cumaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this