Deeq A. Posted January 20, 2020 Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayip Erdogan oo ka qeyb galayey shir looga hadlayay arimaha Lipya ayaa sheegay inay Soomaaliya u ogolaatay shidaal uu ka baaro xeebaheeda. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa ay talaabo u qaadi doonto inay hormar ballaaran ka sameyso ogolaanshaha ay ka heleen dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiis ku saabsan shidaal Turkiga uu ka baaro xeebaha Lipya ay horay ula galeen dalkaasi, balse markaan ay ogolaansho kale oo rasmi ah ay ka heleen dowladda Soomaaliyeed. Turkiga ayaa ah taageerada ugu weyn ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska, amniga, dhaqaalaha iyo bani’aadanimada Turkiga ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya u soo gurmaday sanadkii 2011-kii, markaas oo dalka ay ku dhufteen abaaro iyo macluul baahsan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites