Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiray wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la geeyey wadadaasi oo ay dhismo ka wado shirkad Turki ah, si loo xaqiijiyo amniga shaqaalaha ka howlgalaya halkaasi.

Darawallada gaadiidleyda ayaa lagu soo warramayaa inay u wareegeen wado jid cad ah oo ka baxda dhinaca degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka, gaar ahaan kuwa Bajaajta ayaa ka cabanaya xirnaashaha jidkaasi.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo sabtidii la soo dhaafay Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada jidkaan qarax lagula eegtay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Gaadiidley.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this