Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay dalka K/Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil iyo dhaawac saacadihii la soo dhaafay ganacsato Soomaali ah loogu geystay gudaha wadanka Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ay xalay xaafad ka tirsan  magaalada Cape Town ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa, kuna dhawaaceen mid kale, kuwaas oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha maagaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Nuur Degeb, halka midka la dhaawacay magaciisa lagu soo koobay, Mustaf.

Sidoo kale  wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdada kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee dalka Koonfur Afrika.

Dilkaan ayaa noqonaya kii labaad oo Soomaalida loogu geysto South Afrika, tan markii la guda galay sanadkaan cusub ee 2020-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this