Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Khayre oo dhaawacyo ku booqday Isbitaalka Erdoğan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdoğan oo lagu daaweynayo dhaawacyada weerarkii ay sabtidii Al-Shabaab la eegatay Injineerrada Turkida ah iyo ciidamada amniga ee ku howlanaa dhismaha waddada Muqdisho & Afgooye.

Ugu horreyn maamulka Isbitaalka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey xaaladda Dhaawacyada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhaawacyada mid mid udul istagay, isagoona ka wareysatay Ehellada iyo Takhaatiirta sida ay tahay xaladooda caafimaad.

Ugu dambeyn wuxuu Alle ugu baryay in caafimaad uu siiyo, wuxuuna tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Soomaaliya ay si dhaw uga warqabi doonto xaladooda caafimaad.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

2-1 4 (1)1-3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this