Deeq A. Posted January 20, 2020 Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankii 31aad ee kalfadhiga 6aad. Ujeedada kulan maanta ee Golaha Aqalka Sare waxaa ka mid ahaa ansixinta hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka. Guddomiye ku xigeenka Guddiga arrimaha dibadda qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare Senatar Maxamed Cismaan Faarax ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyey warbixinta akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka. Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaaal Maxamed Cismaan iyo xubno kale oo ka socda Wasaaradda. Guddiga arrimaha dibadda qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka. Golaha Aqalka sare aya ansixiyey hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka, waxaana ogolaaday 31 Senatar, iyadoo ay Golaha ay fadhiyeen 32 Senatar. Ugu dambeyntii waxaa shirka soo xiray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare oo ansixiyey sharci cusub appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites