Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka War-murtiyeedka ay soo saareen Puntland iyo Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Puntland iyo Jubaland ayaa maanta oo Isniin ah si wadajir ah u shaaciyay War-murtiyeed, ay ka soo saareen shirkii wada-tashiga labada dhinac ee Sabtidii todobaadkan ka furmay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

War-murtiyeedka oo ka kooban saddex bog ayaa lagu soo bandhigay 16 qodob oo ka soo baxay Shirkii wada-tashiga Puntland iyo Jubaland ee ka qabsoomay magaalada Boosaaso, kaasi oo sid ay sheegeen socday mudda laba maalmood ah (Sabti iyo Axad).

Sida ku cad war-murtiyeedka Jubaland iyo Puntland, waxay si wadajir ah u qaaddaceen Xeerarka  ay meel-mariyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee Sharciga Batroolka, Sharciga doorashooyinka, kan Saxaafadda iyo sidoo kale hannaanka loo wado dib u-eegista Dastuurka.

Sidoo kale, waxay ka digeen in la siyaasadeeyo deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya, Arrimaha Bulshada, Barnaamijyada Horumarinta, iyo duullimaadyadaa Rayidka ah, waxaana ay cambaareeyeen cuna-qabataynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay saartay duullimaadyada Jubaland.

Puntland iyo Jubaland, ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ugu baaqay in ay fara-gelinta ka joojiso dowlad goboleedyada dalka, islamarkaana xorriyaddiisa dib ugu soo celiso wasiirkii Amiga Jubaland Cabdirashiid Janan.

Dhinaca kale, waxay ku baaqeen in shir wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee waddanka, loogana gudbo xaaladda cakiran dalku marayo.

Ugu dambeyntii, Puntland iyo Jubaland ayaa shaaciyay in ay dhisteen guddiyo iskaashi oo wadaag ah, kaasi oo ka shaqeeya hirgelinta Iskaashiga dhinacyada la’dagaallanka Argagixisada, Horumarinta Dhaqaalaha, Tayeynta hay’adaha dowliga ah iyo Federaaleynta dalka.

1-27.jpg?fit=1000%2C1294&ssl=1 2.png?fit=1000%2C1295&ssl=1 3-1.png?fit=1000%2C1295&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Nuxurka War-murtiyeedka ay soo saareen Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this