Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Diyaarad Drone ah oo ku dhacday Tooratoorow

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay diyaarad Drone ah ay ku dhacday deegaanka Tooratoorow ee gobolkaasi.

Diyaaradda oo ay ku xirnaayeen Kaamirooyiin ayaa waxaa loo maleynayaa inay laheyd dowladda Mareykanka.

Al-Shabaab oo gacanta ku heysa Tooratoow ayaa soo bandhigtay Sawirro muujinaya burburka diyaaraddaasi.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay taliska Africom iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan diyaaraddaasi.

Inta badan diyaaradaha Mareykanka oo ka soo duula garoonka Balidoogle ayaa duqeymo xoogan ka fuliya gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

drone-dhicid3 drone-dhicid1 drone-dhicid2

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this