Deeq A. Posted January 20, 2020 Howgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa 130 sarkaal oo Police ah tababar muddo socday ugu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. Saraakiisha Police ka ah ee tababarka loo soo xiray ayaa waxay dhamaantood ka soo jeedaan dalka Nigeria, waxaana tababarka ay qaateen uu socday 6 maalmood. Tababarka ayaa ku saabsanaa ciwaano kala duwan oo ay ka mid ahaayeen howlaha AMISOM ee Soomaaliya, arrimaha ban’aadanimada, xeerarka howgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa iyo sidii ay u caawin lahaayeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Taliyaha Booliska AMISOM Augustine Kailie ayaa ugu baaqay saraakiisha tababarka ka faa’iideystay in ay sida ugu haboon ugu adeegaan Ummadda Soomaaliyeed, si dhawna ula shaqeeyaan ciidankaBooliska Soomaaliya, iyagoo tixraacaya sharciyada u yaalla AMISOM. AMISOM ayaa la filayaa inay dhowaan isaga baxdo dalka,waxaana haatan socda qorshe ay ammaanka ugu gacan galinayaan ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites