Deeq A. Posted January 20, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu si gaar ah uga fuliyeen nawaaxiga deegaanka Basra oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada dhaq dhaqaaq cusub ay ka bilaabeen halkaasi, islamarkaana xaaladdu ay tahay mid kacsan. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xoojiyey howlgallada Milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites