Sign in to follow this  
Deeq A.

Amniga caasimadda Garoowe oo lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay, in Amniga caasimadda Garoowe si ku meel gaar ah looga wareejiyay ciidanka Booliiska, islamarkaan lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PMPF, PSF iyo ciidanka madaxtooyada Puntland.

Guddiga Nabad-gelyada gobolka Nugaal oo shirk u yeeshay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in ciidanka Booliiska gobolka Nugaal ay ku socoto dib u-habayn, waxaana ay go’aamiyeen in Booliiska si ku meel gaar ah looga wareejiyo Amniga caasimadda mudada ay dib u-habayntaasi socoto.

Sidoo kale, guddiga ayaa go’aamiyay in kantaroollada Garoowe si deg deg ah loogu raro goobaha loo asteeyay, Booliiskii joogay kantaroolladana lagu beddelo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PSF, PMPF iyo ciidanka madaxtooyada.

Waxa kale oo guddigu amray, in lala dagaallamo dadka amni-darrada ka wada gudaha caasimadda , gaar ahanna kuwa soo geliyaya maan-dooriyaha Khamriga iyo Xashiishka iyo sidoo kale dadka soo geliya hubka sharci-darrada ah.

GARYARE.jpg?resize=1000%2C1430&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Amniga caasimadda Garoowe oo lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this