Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka degmada Marka oo faahfaahin ka bixiyay dagaal xalay ka dhacay degmadaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Haddaba maamulka degmadaasi Marka ayaa saaka faahfaahin ka bixiyay dagaalka halkaasi xalay ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo dagaallamayaasha Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Marka C/llaahi Cali Axmed Waafow ayaa sheegay inay ka war hayeen weerarka ay Al-shabaab xalay ku soo qaadeen fariisimaha Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Marka, gaar ahaanna Guutada 14 October islamarkaana ciidanku iska difaacay weerarkaasi

 “Meel 8KM u jirta Marka ayay weerar ka soo qaadeen, galabtii ayaa la ogaa, xogtooda waa heynay, dadka deegaanka ayaa farrimahooda na soo gaarsiiyay, waana loo diyaar garoobay, markii ay wax soo tuur tuureen ayaa ciidamada u jawaabeen, waana la iska caabiyay”ayuu yiri Waafow oo warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaha ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka inkastoo uu ku gaabsaday in weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab la iska difaacay oo dib loo caabiyay.

Xaalada magaalada Marka ayaa saaka ah mid degan, waxaana saaka duleedka magaalada ka socda howlgallo ay wadaan ciidanka Guutada 14 October ee gacanta ku haya ammaanka magaaladaas.

PUNTLAND POST

The post Maamulka degmada Marka oo faahfaahin ka bixiyay dagaal xalay ka dhacay degmadaasi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this