Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali Xalay Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Cape Town)-Koox budhcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Cape Town waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo kamid ahaa ganacsatada halkaas kunool, iyadoona mid kale lagu dhaawacay.

20200120_090359.jpg

Dilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Badhtamaha Xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Bellville ee Magaalada Cape Town, iyadoona muwaadinka ay dhowr xabadood ay ku dhufteen rag hubeysnaa, isagoon goobta ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Degeb, kaasi oo kamid ah dhalinyarada Caan ka ahaa gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in halkaas uu ku lahaa goob ganacsi.

Dhinaca kale budhcad Koonfur Afrikan ah ayaa isla xalay Magaalada Cape Town fal dhaawac ugu geystay Muwaadin Soomaali ah oo lagu magaciisa lagu soo gaabiyay Mustaf, kaasi oo kamid ah ganacasatada kunool Magaalada.

Qaar kamid ah ganacsatada ku sugan Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in Mustaf falka kadib loola cararay goob Caafimaad oo ku taalla halkaas, isagoona haatan halkaas lagu dabiibayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this